Xukuumadda oo Gaadh ka haysa Salaadiin doonaysa inay Somaliya tagto iyo Wasiir Duur oo Salaadiinta Qaarkood ku Beer-laxawsnaya inay dib u Guntaan Dabarkii uu Furay
Wasiir Duur iyo Xukuumadda uu ka tirsan yahay oo dib u qoomamaynaysa Go’aamadii ay fureen ee Golayaasha sharci dajintu Dabarka uga dhigeen Shakhsiyaadka Somaliweynta taageera
Wasiir Duur oo wada shir Salaadiintu kaga hortagayso Madax dhaqameedka Xamar taga inuu Danbiile yahay

Salaadiinta ay Xukuumaddu sida wayn ugu raad joogto wax aka mid ah Suldaan Maxamed C/qaadir oo ay u saartay Koox Miisaan leh oo la socota dhaqdhaqaaqiisa, kuwaasoo Hadh iyo Habeen Heegan u ah sidii ay ula socon lahaayeen talaabooyinka uu qaadayo.
Sidoo kale waxa jira Salaadiin kale oo ka mid ah kuwa ugu magaca weyn Somaliland, kuwaasoo qayb ka ah qorshe Maamulka Sh Shariif ku doonayo inay Shaanbadooda Muctarifka ah shardiga lagaga dhigay siyaasiyiinta Mansab doonka ka ah Dawladdiisa ee ka soo jeeda Somaliland. Si ay kuwa hore ee Xukuumaddiisa ka soo horjeeda banaanka u dhigaan.
Qorshahan oo ay Saxaafadda Somaliland in badan ka qaylyaysay isla markaana ay soo bandhigtay Kooxo loo soo diray oo Xamar ka yimi ayay Xukuumadda Somaliland ku baraarugtay markay ogaatay inuu dhab yahay warkaasi, waxaanay labadii Habeen ee ugu danbeeyay bilowday qorshe ay ku joojinayso Salaadiinta Ambabaxa ah.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur oo dhawaan uun Madax dhaqameedka Somaliland kula hadlay af-qaawan oo aay lahayn Milgihii Dublamaasiyadeed ee Mansabka uu hayo iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa Wasaaradiisa iyo madax dhaqameedka Somaliland ayay talo ku cadaatay waxaanu shalay Orod ugu tagay Marfishka ay fadhiistaan Slaadiinta Beesha Habar awal, isagoo ka codsaday inay baajiyaan madax dhaqameedyada isku dayaya tagitaanka Somaliya.
Inkasta oo kulanka Wasiirka iyo Salaadiinta Sacad Muuse ahaa mid kadiso ah, hadana wararka Waaheen ka helay dedaalka uu Duur hawshaas ka galay ayaa sheegaya in uu ka codsaday Salaasadda in ay ka soo qayb galaan kulan weyn oo ay Xukuumaddu ku casuumayso Salaadiinta Somaliland oo dhan, isagoo u laqimay Qorshaha Xukuumaddu ay ka doonayso oo ah in ay Canbaareeyaan Cida wada tagitaanka Muqdisho.
Ma cada qorshaha ka hooseeya ee ay Xukuumaddu kulankaasi u samaynayso, hase yeeshee waxa ugu badan ee la fili karo inuu ka soo bixi karaa marka laga tago Canbaaraynta waa in ay Xukuumaddu tidhaahdo waa Dambiile cidii tagtaa Xamar.
Go’aanka noocaas ah ee la filanayo inay Xukuumaddu afka u galiso Madax dhaqameedkaasina waxa uu noqon doonaa mid Xukuumadda ku soo noqda, gaar ahaana Wasiirka Arrimaha Gudaha, sababtoo ah Dabarkii ay Somaliland ku xidhay Siyaasi iyo qof kasta oo Somaliweyn Hunguri ka galo cida furtay waxa kow ka ah Wasiir Duur oo wakhtigii uu Xildhibaanka ahaa jabiyay isla markaana ka qayb galay Shir Jabuuti loogu qabtay Kooxaha Somaliya, kaasoo uu waliba Dood laga qabtay markii la dhaliilay uu s8i adag u difaacay.
Marka labaad-na Xukuumadda Kulmiye Guud ayaa Guud ahaanba mar kale Hogaanka u sii goysay dabarkaasi ahaa in uu Dambiile yahay qofkii Somaliya soo hadal qaada ee Reer Somaliland, kadib markii ay aqbashay wadahadalada Beesha Caalamku ku dhex dhexaadinayso Somaliya iyo Somaliland, taasoo damac sii galisay qof kasta oo Reer Somaliland ah oo ka cabsi qabay in lagu qaado Go’aanadii iyo Qaraaradii Golayaasha Qaranku ka soo saareen tagitaanka iyo ka mid noqoshada Xukuumaddaha Somaliya.
Qorshaha Dabarka lagaga furay u hanqal taaga Xamar Waxay Xukuumaddu Duhur cad u fadhiisiisay Baarlamaanka Somaliland kuwaasoo qalinka ugu duugay kadib markii ay Axsaabta Mucaaradka ah madaxdoodu ku taageereen mawqifkeeda Siyaasadeed isla markaana Bulshada Reer Somaliland laga waayay wax ka horyimaada.
Si kasta ha ahaatee waxa la sugaaba waa dhawaaqa ka soo bixi doona Xuukuumadda iyo Salaadiinta ay dhaqdhaqaajinayso ee maalmaha soo socda la soo bandhigi doono.
Xildhibaano ka ag-dhaw Madaxtooyadda oo loo xidhay martiqaadka Xuska 18 May ee Maraykanka
Xildhibaan Nac-nac, Mareexaan iyo Waabeeye oo Kulmiye ka soo jeeda oo Fiisayaal u doontay Jabuti

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), Xildhibaan Cali Xasan Maxamud( Mareexaan) iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye ayaa shalay u kicitimay dalka Jabuuti si ay Safaaradda Maraykanka uga doontaan Fiisayaal ay soo direen Jaaliyadda Somaliland ee dalkaasi ku nool si ay ugala qayb qaataan Xuska Sanadkan.
Hore waxa Dalka Jabuuti uga soo laabtay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiiradda Hawlaha Guud Axmed Cabdi Xaabsade iyo Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), kuwaasoo soo qaatay Fiisayaashii ay ku tagi lahaayeen Maraykanka.
Xildhibaanada iyo Wasiiradda ay Xukuumaddu siisay Fiisayaasha ee ay u dirayso Maalinta Qaran ee 18-ka May ayaa dhamaantood ah kuwo ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye isla markaana ka ag-dhaw Madaxtooyadda, halka laga qadiyay Axsaabtii iyo Ururadii Siyaasadeed ee Qarankan oo aan mid-na lagaga darin iyo waliba Xildhibaanadii Golayaasha Qaranka eek a soo jeeday Axsaabta kale.
Waxaanay qorshaha Xukuumaddu isugu koobtay ka qayb galka Xuska Qaran noqonaysaa mid dheelisan oo aan daciifinaysa Qiimaha ay leedahay maalintani oo ah maalin aan ku koobnayn Xukuumadd iyo Xisbi kaliya.
Xukuumadda oo Xoog ku kala dareerisay Mudaharaadayaal Ururka NDP ah iyo 1-da May oo loo balansan yahay kuwo kale
“dadka la xidh-xidhay waxay ka tirsanyihiin NDP, waayo Ururadii kale ee nala socday way nagaga baxeen Mudaharaadka”Ilhaan NDP

Dadka la xidh-xidhay oo isugu jiro dhalin yaro iyo siyaasiyiin ka mid ah Ururka NDP, waxa ka mid ah Ilhaan Xasan Cali, oo sheegtay inay ka mid tahay musharaxiinta Golaha deegaanka u tartamaya ee Ururka NDP, taasoo markii la soo daayay ka dib Wariye ka tirsan Wargeyska Waaheen uga warantay qaabka xadhigoodu ku yimi “walaal waxa nala soo daayay labadii Duhurnimo waxaana nala xidh-xidhay tobankii subaxnimo waxaana dadka la xidh-xidhay ka mid ahaa Dhalinyaro ay ciidamadu u geysteen dhaawacyo fudud”ayay tidhi.
Mar la waydiiyay in dadka la xidh-xidhay dhamaantood ka mid ahaayeen Ururkooda waxay tidhi“dadka la xidh-xidhay waxay dhamaantood ka mid ahaayeen Ururkayaga oo kaliya, waayo Ururadii kale ee nala socday dib ayay u dhigteen Mudaharaadyadooda oo way nagaga baxeen”.
Bilayska ayay sidoo kale sheegtay inay dhibaatooyin u geysteen Taageerayaashooda la xidh-xidhay “ dhaawacyo fud-fudud ayay u geysteen Bilaysku inamo dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii la xidh-xidhay, laakiin wax sidaasi cul-culus maaha”ayay tidhi.
Ciidamada bilayska ee ka hortaga Rabshada RRU-da iyo kuwo gaarka u tababaran ee loo yaqaan SPU ayaa xoog ku kala dareeriyay Taageerayaasgha Ururka NDP oo ka mid ah sagaalkii Urur ee ku hadhay qiimayntii Ururada iyo asxaabta ee badhtamihii bisha April la soo gabagabeeyay, ka dib markii ay isku dayeen inay mudaharaad ka dhigaan badhtamaha magaalada Hargeysa.
Waxaanay Madaharaadkaasi ka bilaabeen dhinaca Degmada Gacan libaax ee Magaalada Hargeysa, iyadoo markii dambe uu ku fiday qaybo kale oo Magaalada ah,taasoo sababtay inay isku dhacaan ciidamada Bilayska iyo dadka isu soo baxyada dhigayay.
Mudaharaadkan ayaa qayb ka ah banaan-baxyo ay todobaadyadii la soo dhaafayba ku hawlanaayeen todoba ka mid ah sagaalkii Urur ee hadhay, kuwaasoo sida la tibaaxayo mudaharaad kama dambays ah u balansan kowda bisha May ee inagu soo fool leh, taasoo hal maalin inaga xigto, halka urur siyaasadeedka NDP taasi ka biyo diiday, isla markaana hogaankiisu shalay isku raaceen inay mudaharaadaan.
No comments:
Post a Comment