Sunday, April 29, 2012

ciyaaro


Alex Ferguson Oo Kulanka Labada Manchester Ku Tilmaamay Hooyada Ciyaaraha Derby-ga Ee Horyaalka Ingiriiska
Waxa Kulankan Loo Aqoonsaday Kii Ugu Waynaa Taariikhda Kulamadaderby-Ga Ee Dalka Ingiriiska Waxana Daawan Doona 650-Milyan Ruux Oo Ku Kala Nool Dacalada Aduunka Oo Dhan
Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Manchester United ayaa isniinta booqan doonta garoonka  Etihad Stadium oo ay ciyaar kala bax ah wada yeelan doonaan. Kulankan oo lagu wado in uu noqdo mid ay daawan doonan dad kor u dhaafaya 650Milyan oo daawade oo ku kala sugan dacalada aduunka oo dhan.
Kulankan labada Manchester oo la sheegay in uu noqon doono kii ugu waynaa taariikhda horyaalka Premier League-ga ayaa waxa.
 Tababaraha kooxda Manchester United Alex Fergie ayaa qirtay in kulankani yahay kii ugu waynaa ee soo mara taariikhda horyaalka Ingiriiska isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi : “ tani waa derby-gii dhamaan ciyaaraha oo dhan,  cida la garaacaa waxa ay ku dhici doontaa ujeedada ay leedahay”.
 “waa ciyaar layaab leh oo dhiig dhex yaalo ilaa taageerayasha waxan rumaysanahay in ciyaartani ay macno u yeelan doonto cidkasta oo guulaysata”
Hadalkan Ferguson waxa faalo ka dhiibtay xidiga khadka dhexe ee kooxda Manchester City  Gareth Barry, waxana uu yidhi : “dadku waxa ay hadal hayaan in ciyaartani tahay mida ugu wayn horyaalka Premier League taariikhdiisa waana ciyaar wayn. “ma qabo in laga baxsan karo baaxada adoowa cadaadis ee ka iman kara Manchester United”. Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi Barry
“anaga oo kaliya nama saarna ee waa ilaa iyaga. Dhanka kale waxa garoonka Etihad kasoo xaadiri doona Tv-yada aduuka ugu daawashada badan ee ay kamid yihiin ESPN Brasil, Canal+France, Abu Dhabi Media Company, Beijing TV,ESPN iyo Star, oo daawasha ciyaarta ka haqabtiri doona daawadayaal ku kala nool dacalada aduunka.
 Hirdanka Kaalinta Afraaad Ee Horyaalka Ingiriiska Oo Marya Marxalad Kala Guur Ah Oo Xiiso Badan
Tottenham Spurs, oo qaab ciyaareedkooda uu noqday mid hoos u sii dhacaya tan iyo markii tababarahooda Redknapp lala xidhiidhiyay bishii February  shaqada  tababarenimo ee xulka England, ayaa waxa ay ku jiraan kaalinta 5aad iyaga oo leh 59 dhibcood, waxana ay maanta la ciyaari doonaan kooxda kaalinta 19-aad ee Blackburn. Lakiin Redknapp ayaan ka walwal qabin in hadii ay ku guuldareystaan in ay Champions League u soo baxaan in xiddigo badan ay ka tagi doonaan. “Markii ay kooxda imaanayeen, Tottenham may ciyaareynin Champions League, umanay dhaweyn xitaa in aan u soo baxno Champions League” ayuu yidhi. “Waxa ay u ciyaaraan Tottenham. Waxa ay la joogaan koox weyn. Ma jirto sabab ay ku doonayaan in ay kaga tagaan. Hadii aanan sannadkan u soo bixin Champions League sanadka soo socda ayaan isku dayi doonaa” Chelsea, ayaa niyadu ay u dhisan tahay ka dib markii Barcelona ay ka saareen Champions League islamarkaana ay gaadheen finalka koobka ugu weyn yurub, waxa ay ku jiraan kaalinta 6aad iyaga oo leh 58 dhibcood, waxana ay maanta la ciyaari doonaan kooxda QPR. Ciyaarta ka hor ma jiri doono isgacan qaad dhexmara ciyaartoyda labada kooxood, iyada oo difaaca QPR Anton Ferdinand iyo difaaca Chelsea John Terry ay u socoto dacwad maxkamadeed. Chelsea ayaa taageerayaasheeda uga digtay in ay hadalo xun ku yidhaahdaan kulanka maanta Anton Ferdinand kaas oo la filayo in ay ku qaylin doonaan mar kasta oo uu kubada qabsado. Dhinaca kale kooxaha horyaalka ugu hooseysa, dagaalka loogu jiro in laga fogaado horyaalka heerka labaad ayaa meel qadhaadh maraya, kooxda Wolves ayaa ilaa iyo haatan xaqiijisatay in ay ka ciyaari doonto wareega labaad xilli ciyaareedka danbe.
Tito Vilanova Oo Loo Aqoonsaday Badalka Rasmiga AhEe Pep Guariola
Barcelona ayaa ku dhawaaqday in tababarahooda cusub ee xilli ciyaareedka soo socda uu noqon doono Tito Vilanova. Tababaraha haatan Pep Guardiola ayaa ku dhawaaqay in aanu heshiiska u kordhin doonin Barcelona ka dib marka qandaraaskiisu uu dhaco dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxana xilli ciyaareedka soo socda shaqadiisa kala wareegi doona caawiyihiisa haatan Tito Vilanova. “Markii Pep uu sheegay in aanu nala sii joogi karin, markii hore waan aamini weynay. Lakiin waxa uu mar walba uu ii sheegayay in ay muhiim tahay in ciyaarta halkeeda laga sii wado. Cida bedeleysa waa go’aan adag. Hal maalin ayaan isweydiiyay: Tito muddo badan ayuu halkan inagala shaqeynayay, maxaa diidaya Tito” ayuu yidhi agaasimaha kooxda Barcelona Andoni Zubizarreta.
“Waxa uu shaqadiisa qabtaa saacadaha oo dhan marka laga reebo marka uu seexanayo, waxa uu leeyahay dabeecad sarre inoo qaadi karta. Waxa uu ka duwan yahay Pep, lakiin Tito ayaa ah qofka aan dooneyno” “Mar walba oo aan wax u baahano waxaan eegnaa cida guriga in oo joogta. Waxaan heysanaa Tito, waa wax sahlan. Umaanan baahneyn in aan suuqa wax ka soo raadino” 42 jirkan Vilanova ayaa caawiye u ahaa Guardiola tan iyo sanadkii 2008dii oo kooxda gacanta ku qabtay.
Carlo Ancelotti Oo Xaqiijiyay Xiisaha Uu U Qabo Luis Suarez
Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Carlo Ancelotti ayaa xaqiijiyay in uu xiiseynayo in uu la soo wareego weeraryahanka kooxda Liverpool Luis Suarez. Waxa bishii February la sheegay in kooxda ka dhisan Faransiisku PSG ay dooneyso in ay ciyaaryahanka reer Uruguay kala soo wareegto kooxda reer England ee Liverpool. Tababaraha PSG Ancelotti ayaa mar  la waydiiyay in uu jeclaan lahaa in uu la soo wareego weeraryahanka liverpool, waxa uu tababarahan Talyaanigii ku jawaabay: “Suarez waa weeraryahan fiican, haa waan jeclaan lahaa” Ancelotti ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in uu filanayo in uu xagaaga Chelsea kala soo wareego ciyaaryahan reer France ee Florent Malouda, iyaga oo ku guuldareystay isku day hore ay ugu doonayeen Malouda oo wali ka tirsan kooxda ku hirdamaysa Finalka Champion-ka ee Chelsea. “Waxan xiiseyneynay bishii January, lakiin waxan u maleynayaa in June aan heli doono xal ka duwan kii hore” sidaa waxa yidhi Ancelotti oo ka hadlayay mustaqbalka Malouda ku yeelan karo kooxda ka dhisan dalkiisa ee PSG.


Real Madrid

1
Iker Casillas
Goalkeeper
-
3
Pepe
Defender
-
4
Sergio Ramos
Defender
52′
-
12
Marcelo
Defender
-
17
Arbeloa
Defender
-
10
Mesut Özil
Midfielder
25′
-
11
-
14
Xabi Alonso
Midfielder
76′
-
22
-
7
-
9
Karim Benzema
Striker
19′ 48′ 52′
-

Sevilla

-
13
Javi Varas
Goalkeeper
-
3
-
23
Coke
Defender
-
28
Cala
Defender
58′
-
-
Rodriguez
Defender
54′ 72′
-
7
-
11
Ivan Rakitic
Midfielder
-
15
Piotr Trochowski
Midfielder
-
21
Reyes
Striker
64′
-
9
Negredo
Striker
64′



No comments:

Post a Comment