Monday, April 30, 2012

ciyaaro



FA-ga Oo Laga Yaabo Inuu Tababaraha 

England U Magacaabo Roy Hodgson. 


Tababaraha kooxda WestBrom ayaa la siiyey fasax ah inuu wadahadalo la geli karo xiriirka kubbada cagta wadanka Ingiriiska iyadoo FA raadinayo cidii buuxin lahayd booska ka banaan xulka kubbada cagta ee England. David Bernstein oo ah madaxa FAga ayaa sheegay in 64jirkan uu yahay musharaxa kaliya ee booska ka banaan xulka England. Hodgson ayaa heshiiska uu kula joogo kooxda Hawthorns waxa uu ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan. “Waxaan u mahadcelinayaa Jeremy iyo dhamaan kooxda  West Bromwich Albion sida ay iigu ogolaadeen inaan wadahadal la geli karo Roy oo aan isla markaaba aan la hadlay,”ayuu yiri Bernstein qoraal uu soo saaray. Waxana uu madaxa xiriirka kubbada cagta England intaa sii raaciyey “Roy waa tababaraha kaliya ee aan dooneyno waxana aan wadnaa sidii aan waqtigii aan qorsheynay aan ugu dhowaaqi lahayn cidii bedeli lahayd tababare Fabio Capello. “Wadahadalo dheeraad ah ayaa dhex mari doona mas’uuliyiinta xulka England iyo Roy kahor inta aan si rasmi ah loogu dhowaaqin.” Hodgson ayaa leh waayoaragnimo dhinaca tababarka heer qaran waxana uu hore uu u soo noqday tababaraha xulalka  Switzerland, UAE iyo Finland. Waxana uu hore uu macalin u soo noqday kooxo badan oo laga xusi karo Inter Milan iyo Liverpool. Warkan ka soo baxay FAga ayaa layaab waxa uu ku noqday tababaraha kooxda Tottenham oo father badani ay is lahaayeen isaga ayaa booskaas  buuxin kara. Sidoo kale tababarayaal badan ayaa rajo ka qabay in ay qabtaan xulka England oo tartanka Euro 2012  doonaya inuu meel wanaagsan ka galo.  


Falanqeynta Kulanka Xiisaha Leh Ee La Sugi 

La’yahay Ee Manchester Derby Ee City v 

United. 

Waa kulankii ugu weynaa taariikhda Manchester derby, waxaa horyaalka ku dagaalamaya labada kooxood ee Manchester ka dhisan, iyadoo koox walba ay dooneyso inay taariikhda ku gasho kulankaan. Waxaan ogahay in aad dhamaantiin ka warqabtaan, lakiin waxaan idiin soo bandhigayaa xusuusin ku aadan waxa natiijo walba oo caawa soo bixi karta ay la micno noqon doonto. Haddii City  Badiso – Labada kooxood isku dhibco ayay noqonayaan iyadoo horyaalka uu labo kulan ka dhiman yahay, waxaana hogaanka horyaalka farqiga goolasha ku qabaneysa Manchester City. Barbaro - Waxa ay United markaas u baahnaan doontaa kaliya inay distant dhibcood ka hesho labada kulan ee u hartay si ay horyaalka ugu guuleystaan, iyadoo aysan waxba u dhimeynin polish kasta oo ay City sameyso. Guul ay ka gaaraan Swansea ciyaartooda soo socota ayaa horyaalka u xaqiijin doonta hadii City ay ku guuldareysato inay ka badiso Newcastle. Hadii United Badiso - Markaas horyaalka intiisa badan waxa uu u gacanta u galay Red Devils. Hal dhibic kaliya oo ay ka helaan labada kulan ee u hartay ayaa horyaalkoodii 20aad u xaqiijin doonta. Xaqiiqdii todobaadkii hore ayay aheyd markii father badan ay xaqiijisteen in horyaalka Premier League uu yahay midst aan weli lagu kala bixin, lakiin taageerayaasha City rajadaas waxa ay soo gashay labo isbuuc iyo bar ka hor. Habeen ay Etihad 4-0 ku dubteen West Brom islamarkaana United ay guuldarro ka soo gaartay Wigan, ayay bilaabeen taageerayaasha Sky Blue inaysan carabkooda ka qaadin hadalka ah “tartanka horyaalka waa soo laabtay”. Labo guul kale, qof walba ayaa xaqiiqsaday in tartanka horyaalka uu soo laabtay, iyadoo Carlos Tevez uu qeyb libaax leh ka qaaday. Waxa uu ku soo laabtay isagoo ah geesiga Sky Blue ugu yaraan ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. Waxa uu caawa diyaar u yahay inuu ka horyimaado kooxdiisii hore halka United ay diyaar u tahay inay celiso. Xiddigo waa weyn ayaa caawa iska horimaan doona. Wax walba ayaa miiska saaran, kaliya matriarch ahan seddexda dhibcood waxa muhimka ah lakiin waxaa miiska u saaran horyaalka Premier League. Waa kulan sinaba aan lagu seegi karin daawashadiisa. MAXAA CUSUB: Weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli ayaa soo dhameystay ganaaxiisii seddexda kulan, lakiin waxa ay u badan tahay inuu kursiga keydka ku bilaaban doono marka loo fiiriyo qaab ciyaareedka Sergio Aguero iyo Carlos Tevez. Daafaca Micah Richards ayaa isna diyaar ah ka dib markii uu dhaawac jilibka ah ku seegay kulankii ay guusha ka gaareen Wolves. Manchester United ayaan laheyn polish dhaawac cusub ah, sidaasi dareed ciyaartoyda mudada dheer maqan Nemanja Vidic, Darren Fletcher iyo Anderson ayaa seegi doona kulankaan. Phil Jones ama Chris Smalling ayay u badan tahay inay daafaca midig ka bedeli doonaan Rafael. LINE-UPKA MACQUULKA AH: MANCHESTER CITY: Hart; Richards, Kompany, Lescott, Clichy; Y Toure, Barry; Silva, Tevez, Nasri; Aguero   MANCHESTER UNITED: De Gea; Smalling, Ferdinand, Evans, Evra; Valencia, Carrick, Scholes, Nani; Rooney, Welbeck   MA OGTAHAY? Manchester United waxa ay badisay 67 kulan 161 kulan oo ay la kulmeen dhigooda City tan iyo markii ugu horeysay oo ay Division Two ku kulmeen 1894. City ayaa iyadana badisay 44 kulan, 50 kulana barbaro ayay ku kala baxeen. Manchester City ayaa ku guuldareysatay inay shabaqa ka soo taabato seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay United ku marti qaadaan garoonkooda. Xilli ciyaareedkii hore barbaro 0-0 ayay ku galeen, halka labadii xilli ciyaareed ee ka sii horeysay looga badiyay 1-0. Guuldaradii United ee 6-1 ka soo gaartay City ee ka dhacday Old Trafford waa guuldaradii ugu cusleyd ee ka soo gaartay Premier League abid, waana markii ugu horeysay ee lix gool looga dhaliyo Old Trafford tan iyo 1930kii. Kooxda Roberto Mancini ayaa badisay 21 kulan oo ka midst ah 22kii kulan ee ugu danbeysay ee ay horyaalka ku ciyaaraan garoonkooda. Markii ugu danbeysay ee guuldarro ay gurigooda ku soo gaarto waxa ay aheyd 20kii Dec 2010 markaasoo Everton ay ka badisay. Tevez  ayaa gool dhaliyay ama caawiye ka ahaa 55 daqiiqo kasta oo uu ciyaaray Premier League xilli ciyaareedkan. Red Devils ayaan weli badinin kulan horyaal ah oo gool looga hormaray xilli ciyaareedkan, waxaana gool looga hormaray 7 kulan, seddex ka midst ah barbaro ayay ku dhameysteen, distant kulana waa laga badiyay. Wayne Rooney ayaa dhaliyay 16 gool 14kii kulan ee ugu danbeysay ee uu u saftay Manchester United. SAADAASHA AKHRISTAYAASHA: Waxaan shalay akhristayaasheena weydiinay inay sadaal ka bixiyaan ciyaarta caawa, iyagoo ka qeyb qaatay codbixintii aan u soo bandhignay. Waxaa codbixinta ka qeyb qaadatay 973 akhriste, waxaana ay intooda badan sadaal ku bixiyeen in Manchester City ay caawa ku badin doonto garoonka Etihad Stadium. 48% dadkii codkooda dhiibtay ayaa sadaal ku bixiyay in Manchester City ay badin doonto, halka 45% ay yiraahdeen Manchester United ayaa badin doonta. 7% ayaana sadaal ku bixiyay in ciyaarta caawa ay ku dhamaan doonto barbaro.



 Dani Alves Iyo Thiago Oo Raaligelin Ka

 Bixiyay Dabaaldegii Ay Sameeyeen Kulankii 

Rayo Vallecano.  

Dani Alves iyo Thiago Alcantara ayaa labadoodaba raaligelin ka bixiyay sida ay u dabaaldegeen ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe Thiago uu gool dhaliyay ciyaartii ay Barcelona 7-0 kaga badisay Rayo Vallecano. Ka dib markii ciyaaryahanka ku dhashay Italy balse Isbaanishka ah uu shabaqa ku hubsaday goolkii shanaad ee ciyaartii Rayo Vallecano, waxaana dabaaldega kula soo biiray ciyaaryahanka reer Brazil Alves, halkaasoo ay ku soo bandhigeen qoob ka ciyaar. Si kastaba, dabaaldegoodaas matriarch aheyn midst uu jecleystay kabtanka kooxda Carles Puyol, kaasoo si dhaqso ah uga qasay qoob ka ciyaarkooda, halka tababare Pep Guardiola uu dhaleeceeyay labada ciyaaryahan ka dib ciyaartii xalay. “Waxaan doonayaa inaan raaligelin u diro taageerayaasha Rayo Vallecano kuwasoo ka carooday qoob ka ciyaarka aan sameynay. Ujeedkeyga matriarch aheyn inaan qofna ka careysiiyo, waxaan doonayay kaliya inaan iska dabaaldego” ayuu Alves yiri ciyaarta ka dib. Dhinaca kale ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Thiago ayaa isna raaligelinta kula biiray saaxiibkiisa: “Raaligelin ayaan ka bixinayaa hadii aan ka careysiiyay Rayo intii aan dabaaldegeynay. Dareenka igu jiray ayaa iga dhigay inaan qaldamo. Mar kalena matriarch dhici doonto”.




No comments:

Post a Comment