Wasiirka Gaashaandhiga Oo Ka Hadlay Dhaqdhaqaaqyo Al-Shabaab Ka Wado Bariga Sanaag, Sheegayna In Dhawaan Deegaankaasi Ay Soo Gaadheen Ku Dhawaad 80 Nin Oo Dagaalyahan
“Kooxdaas Timid Deegaanada Bariga Sanaag Waa Aafo Qaran, Dawladayadu Ma Taqaano, Xarfaana Kuma Aha I Arkaay I Maqlaay Dagaal Ayaanu Qaadaynaaye” Axmed Xaaji Cali Cadami
Hargeysa, April 29, 2012 (heegan) – Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dhaqdhaqaaqyo la sheegay in qaybo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka wadaan deegaano ka tirsan bariga Sanaag, kaas oo sheegay inay la socdaan dhaqdhaqaaqyadaas oo uu ku sifeeyey Aafo Qaran, isla markaana ka gaabsaday talaabada u qoshaysan inay ka qaadaan arrintaas.
Axmed Xaaji Cali Cadami waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo heegan xalay khadka telefoonka uu ku siiyey, isaga oo ku sugan Magaalada Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay mawqifka xukuumadda Somaliland ee ku wajahan dhaqdhaqaaqyo ay deegaano ka tirsan bariga Sanaag ay ka wadaan kooxda Al-Shabaab ee lagaga adkaaday dagaaladii ay kula jireen dawladda TFG iyo Ciidamada AMISOM, kaas oo sheegay inay xogo badan ka hayaan xaalada dhabta ah ee deegaanadaas, tilmaamay inay dhawaan ka gudbeen halkaas ku dhawaad 80 dagaalyahan oo ka tirsan kooxdaas.
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cadami waxa kale oo uu ka hadlay dareenka bulshada deegaanada bariga Sanaag ay ka qabaan Al-Shabaabta fadhiisimada ka dhigayay dhulkaas, kaas oo tilmaamay inay ka warhayaan dhaqdhaqaaqyadaas, isla markaana aanay raali ka ahayn kooxdaas.
Ugu horayn Wasiirka oo ka jawaabay su’aal ku saabsanayd xogta ay ka hayaan deegaanada bariga Sanaag ee la sheegay inay ku soo qulqulayaan dagaalyahanada Al-Shabaab, waxa uu yidhi “Meeshaa aad sheegayso inay dhaqdhaqaaqyo ka jiraan oo ay waliba joogaan dad isku dhex jira oo ku abtirsanaya Al-Shabaab Shaki kuma jiro, dhinaca kale waxa iyaduna jirta inaanay halkaas oo kaliya ku ekayn oo Casha kale iyo buuraha kale ee la yidhaahdo Calmis-geed iyo buurta Cal-madoow la yidhaahdo oo dhinac Warsangali-du ay degto Calmis-geed, taas oo caan ku ah buuro iyo dhir qurux badan oo badan waana meel muddo dheer lagu noolaan karo, ta kalena waa buur waxaana lagu jiraa wakhtigii roobka laakiin iyadu biyahaa joogtada ah malaha, isla markaa inay xagaana jiraan oo ay u gudbeen oo maalmo dhawayto 70 ilaa 80 Nin in ka badani ay ka baxeen oo taas shishe ay qabteen warkaa waanu haynaa.
Waxaana jira nimankaasi inaanay rabin inay mar laba iyo saddex dagaal inay wada galaan oo ay ku talo jiraan inay hormariyaan kolba dagaalka ay lagama maarmaanka u arkaan, intaas oo dhan waanu ognahay xukuumad ahaan, inaanu daawano oo aanu nidhaahno balaayadu xagayaga ha ku soo horayso ee dadka been u sheega shaqadayada maaha, markaa waxaan jeclahay inaan kuu sheego Imaatinka Al-shabaab ee aagagaasi meel aanu anigu ugu ducaynayno oo aanu leenahay Ilaahayow ku nagee maaha. Kooxdaas timid halkaasi waa Aafo Qaran oo aafaduna meeshay doonto dalka ha ka timaadee dalka meel walba uu noqdo lama rabno anagu kumana soo dhawaynayno, mida kale in ragaasi ay Xamar ka soo yaaceen oo ay xagayaga u soo socdaan dareenkeeda waanu qabnaa hadana Wal-wal taagan ninka Ciidanka bariga oo dhan qaabilsanaa ee Taliyaha ahaa ilaa iyo Dhahar ayuu tagay oo caawa wuxuu joogaa deegaankaas daqiiqado ka hor ayuu ila hadlayey Taliyahaasi markaa dhaqdhaqaaqyada kooxdaas talaabo talaabo ayaanu ula soconaa wax qarsoomi karana maaha arintaasi”.
Wasiirka Gaashaandhiga Mr. Cadami mar aanu wax ka waydiinay Mawqifka Xukuumadda Somaliland ee Al-Shabaabta bariga Sanaag, waxa uu yidhi “Anaga waxa nooga yaala arintaas iyo talaabada aanu ka qaadanayno ma jecli inaan sheego oo odhan-mayno baribaanu galaynaa ama saadambe ayaanu ku dhufanaynaa dagaal jiidaas, af-dawladeedna maaha laakiin yeelkadeede adigu nin Suxufi ah oo Muwaadin ah (Wariyaha Waraysiga qaadayey) oo laftigiisu dhinaca wanaagsan jecel ayaan kuu haystaa oo aan kuu arkaa oo masuuliyada wadankana waxbaad ku leedahay xagaas waxaan kaa odhan karaa ma jirto oo maanta oo lagu jiray shirkii Nabadgalyada oo qorsoodi ah waa laga hadlayey, habeen horena waa laga hadlayey oo dawladu xogo-gaal ayey u tahay dhaqdhaqaaqyadaas iyo xaaladkasta oo dalka ku soo kordha ama ka jirta, isla markaana dareenkaasna waanu qabnaa waxaanu kala hadhaynaana ma jiro oo xataa hadii ay jirto cid dunida ka mid ah oo Nabadgalyada mandaqada korka ka ilaalinaya oo sidii maalintii dhawayd dhacday Diyaarado ku garaaca oo sahankoodii fashilayeyna way jiraan oo waanu la shaqaynaa. Markaa arimahaas dunida iyo dalalka jaarkaba waanu ka wada soconaa oo waanu la socodsiinaa wixii Tamari noo diido mooyaane waxba anaguna dawlad ahaan kala hadhi mayno”.
Wasiir Cadami isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya saamaynta arintaasi ku leedahay dadka deegaanka bariga Sanaag iyo mawqifkooda, waxa uu yidhi “Dadka ku nool deegaanadaasi iyaga ayaa aniga iga xog-roon oo waa deegaankoodii, arimahaasna wacyi-galin ugama baahna oo way u muuqataa arintaas khatarteeda iyo dhibaatada ay leedahay iyo shalay halka ay maraysay iyo maanta halka ay joogto way kala ogyihiin dadka deegaanadaasi u dhashay ee ku nooli oo waxa jira dad deegaanka waxkasta la soo socodsiiya oo odhanaya 4 baa soo galay todobaa dhintay, markaa macluumaad ay uga baahan yihiin kooxdaa isku urursanaysa buurahaasna ma jirto oo mawqifka aan ka taaganahay ayey ka taagan yihiin oo inaan khayr soo kordhay jirin way arkayaan”.
Wasiirka Gaashaandhiga Axmed X. Cali Cadami mar wax laga waydiiyey inay xukuumad ahaan dhaqdhaqaaqyada ka socda bariga Sanaag inay ka gaabiyeen, waxa uu ku jawaabay “Wakhtigan iyo casrigan maanta jooga dagaalku i arkaay waan dagaalamayaa iyo i maqlaaye maaha oo xeelada iyo xigmada dagaalka ayaanay ku jirin, isla markaana hadii aad awood hayso waxa kugu filan inaad u diyaargarawdo wixii iman kara, laakiin dawladayadu ma taqaano, xarfaana kuma aha i arkaay iyo i maqlaaye oo ma jeclin inaanu nidhaahno”.
X. Cabdi Waraabe Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Dulqaad U Yeesho Dhaliilaha Loo Jeediyo, Kuna Taliyey In Ciidamada Difaaca Mushaharka Loo Kordhiyo
“Madaxweyne Siilaanyo Wax Uu Kordhiyay Mooyee Wali Wax Uu Dhimay Maan Arag, Ninka Aan Dawladnimada Doonaynin Ee Gacan Maris Doonayaa Dhulkaasi Ha Ka Qayliyo, Ninkii Kursi Ku Fadhiistaba Waa La Mucaaridayaa, Nabi Muxamed Baa La Mucaariday”
“C/Raxmaan C/Qaadir Ma Habar Yoonis Buu Kulmiye U Fadhiyay Mise Somaliland Buu Meesha U Fadhiyay, Ninka Haddii Meel Lagaga Dhacay Dee Dawladiisii Baa Meel Kaga Dhacday In Hadalka Loo Ogolaado Ayay Ahayd”
Hargeysa, April 29, 2012 (heegan) - Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in talaabadii xilka lagaga qaaday guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ay ahayd mid meel ka dhac ah, kana digay in caadifad qabiil laga dhigo, waxaanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay inuu dulqaad u yeesho dhaliilaha looga soo jeediyo maamulka xukuumadiisa, taas oo uu tilmaamay in madaxnimadu wadato mucaaridnimada.
Xaaji Cabdikariim waxa kale oo uu ku baaqay in Ciidamada qaranka ee difaaca kaga jira xuduudaha dalka mushaharka ay qaataan loo kordhiyo, isla markaana xukuumadu ay dedaal ugu gasho sidii sanadkii horeba shaqaalaha iyo ciidamada loogu kordhiyay, isagoo dhinaca kalena ku baaqay in wadahadalada Somaliland iyo Somalia ay ku salaysnaadaan laba dal oo kala madaxbanaan oo daris ah.
Xaaji Cabdikariim ayaa shalay sidaasi ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu shalay Haatuf siiyey, ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada caafimaad ee guddoomiyahoodii golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo muddo sanad ah dalka UK ugu maqan arrimo caafimaad iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin muddo kordhinta ka dhamaatay golayaasha deegaanada dalka iyo kulamo la sheegay in golahoodu xukuumada kala yeeshay gunnooyin lacageed oo ka maqan.
Xaaji Cabdikariim oo ugu horayn ka hadlaya isbadalada sanadahan dambe ku dhacay golahoodii guurtida oo noqday gole dhaxal isku badalay oo odayaashii ruug-cadaayada ahaana ay badankoodii geeriyoodeen sida uu u arko, ayaa isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi “Dhaxal ha ku soo galeene wax xumaana oo golahaasi ka jiraa ma jir, gudoomiyahayagii guurtidu dhakhatarka tagayna wuu imanayaa insha Allaah”
S: 23-kii February socdaal aad ku tagtay dalka UK waxa la sheegay in gudoomiye Saleebaan lagaa qariyay arrinkaasi maxaa ka jira?
J: Laygama qarinine dhakhatar buu ku jiray oo magaalo kale ayuu joogay oo tilifoon baanu ku wada hadalnay, waxaanu igu yidhi marka aan dhakhtarka ka soo baxo ayaan dalkii imanayaa.
S: Waxa lagugu xantaa in Madaxweyne Siilaanyo aad qalad iyo saxba ku taageerto, arrimahaasi maxaad ka leedahay?
J: Madaxweyne Siilaanyo wax uu kordhiyay mooyee wali wax uu dhimay maan arag, ninka aan dawladnimada doonaynin ee gacan maris doonayaa dhulkaasi ha ka qayliyo, ninkii kursi ku fadhiistaaba waa la mucaaridayaa, Nabi Muxamed baa la mucaariday, nin reer u Caaqila ayaa laba meelood loogu kala jabaa oo la mucaaridaa, madaxduna waa inay dulqaadataa, oo madaxdnimadaa la caaridayaaye qofka lama caaridayo, Madaxweynuhuna waa inuu dulqaataa oo hadalka la leeyahay waa inuu dhagaha mariyaa oo danta caamka ah uu ka raacaa, Madaxweyne Siilaanyo markuu gudoomiyaha Kulmiye ahaa cidina may caayaynin ee Kurisigaa la caayayaa, waa in la tilmaamaa.
S: Sideed u aragtaa talaabadii xilka lagaga qaaday guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir iyo gacan ka hadalkii ciidanka Bileysku kula kacay, oo beesha galbeedka Burco uu kasoo jeedaa ay mawqif adag ka istaagtay?
J: Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ma Habar Yoonis buu Kulmiye u fadhiyay mise Somaliland buu meesha u fadhiyay, ninka haddii meel lagaga dhacay dee dawladiisii baa meel kaga dhacday in hadalka loo ogolaado ayay ahayd, kolkuu hadlana wixii go’aana ee golaha dhexe ee Kulmiye ku xukumayo in lagu qaado ayay ahayd, qalad wuu dhacayaa ilaa Yoomal Qiyaamaha, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir meel baa lagaga dhacay laakiin Caadifad qabyaalada yaan la galinin, Kulmiyena reer umuu fadhiyin xisbi qaran iyo Somaliland ayuu u fadhiyay, qabyaaladiina waxaynu uga guurnay xisbiyo siyaasadeed.
S: Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia ee loo balansanaa waxa carqalad ku noqday markii Sheekh Shariif guddigiisii uu soo magacaabay uu ku soo daray laba wasiir oo ka tirsan Puntland oo u dhashay bariga Sanaag iyo Sool, arrinkaasina ay xukuumada Somaliland gaashaanka ku dhufatay sideed u aragtaa?
J: Dantu waxay ku jirtaa in laba dawladood oo Somaliland iyo Somalia ah loo wada hadlo, laakiinse imika meel loogu hagaagaba ma laha oo waa kan Faroole yidhi Sheekh Shariif kalidii wax ma go’aamin karo hadaanay Puntland ku jirin guddiga uu soo magacaabayo.
S: Muddadii sanadka iyo shanta bilood ahayd ee golayaasha deegaanada aydin u kordhiseen waxay dhamaatay 7-dii April 2012 doorashadiina dibay u dhacday wax muddo kordhina maydin samaynaysaan?
J: Anagu muddo kordhinta golayaasha ma samayno haddii naloo soo qoro ayuun baanu go’aan ka gaadhnaa, xukuumada ayuun bay ku xidhan tahay muddo kordhinta ka dhamaatay golayaasha deegaanka iyo goorta la qabanayo doorashadooduba.
S: Golihiina Guurtidu waxa uu sanadkan u dambeeyay saluug ka muujiyay gunnooyin lacageed oo ugu jiray miisaaniyadii 2011-kii oo maqan, taas oo la sheegay in todobaadkii hore Madaxweynaha kulan kala yeelateen halkuu arrinkaasi marayaa?
J: Mushaharo wanaagsan ayay golayaasha, shaqaalaha iyo Ciidamaduba qaataan, wixii gunnooyin ahina dee waa laga had-hadlaya.
S: Golayaashiina sharci dajinta iyo wasiiradu waxaydin mushahar u qaadataan kun iyo dhawr boqol oo dollar, isla markaana gunnooyin idiin dheer yihiin, ma xaqbaa in askariga difaaca dalka ugu jiraana uu qaato 500,000/s/l shillin?
J: Ciidamada difaaca ee qaranka ee dalka difaacayaa sidii mushaharka loogu kordhin lahaa waa in dadaalkeeda loo galaa, waa in mushaharka loo kordhiyo ciidamada difaaca dalka ku jira.
S: Xukuumadihii Somaliland soo maray hadaad qiimayn kooban ku samayso waxqabadkooda iyo faraqa u dhexeeya maxaad ka odhan lahayd?
J: Xukuumad waliba waxbay qabatay, mid aan waxba qabani Somaliland may soo marin.
Guddiga Joogtada Baarlamaanka Oo U Yeedhay Guddiga Diwaangalinta Ururada Iyo Dareenada Ku Gadaaman

Hargeysa, April 29, 2012 (heegan) - Guddiga joogtada golaha wakiilada Somaliland ayaa la sheegay in Khamiistii todobaadkii hore ay qoraal u yeedhis ah u direen guddiga diiwaangalinta ururada iyo ansixinta Axsaabta siyaasada.
Sida ay heegan u sheegeen shalay xubno ka tirsan guddiga joogtada iyo anshaxa ee golaha wakiilada ayaa xaqiijiyay in qoraal rasmiya oo ay kaga dalbanayaan inay horyimadaan ay u qoreen todobaadkii hore dabayaaqadiisii guddiga diiwaangalinta ururada iyo asixinta axsaabta qaranka, isla markaana ay ka war sugayaan in todobaadkan ay hor yimaadaan guddiga joogtada wakiilada.
Guddiga diiwaangalinta ururada iyo ansixinta Axsaabta oo todobaadkii hore soo saaray go’aankoodii ay ku kala reebeen 15kii urur siyaasadeed ee isdiiwaangaliyay, una gudbiyeen liiska lixda urur ee soo baxay komishanka doorashooyinka qaranka, oo ay ka biyo diideen 9-kii urur siyaasadeed ee natiijada ay soo saareen ku hadhay, ayaa ilo wareedyadu intaa ku dareen in dalabka ay ugu yeedheen guddiga joogtadu ay salka ku hayso cabashada ay muujiyeen ururadii ku hadhay qiimayntii lagu sameeyay, oo la sheegay in dacwad ku lid ah go’aankaasi ay u gudbiyeen Maxkamada sare.
Lebanon Oo Gacanta Ku Dhigtay Markab 3 Koontiinar Oo Hub Ah U Siday Mucaaridka Syria Oo Ka Soo Shiraacday Libya

Reuters , April 28 (heegan – Dawladda Lebanon ayaa gacanta ku dhigtay shixnadii ugu balaadhnay ee hub ah ee laga soo waarido dalka Libya, kaas oo u socday mucaaridka ku kacsan dawladda Syria.
Hubkaas oo ay ka mid ahaayeen Madaafiic, Baasuukayaasha garabka laga tuuro iyo rasaas tiro badan ayaa ku jiray saddex Koontiinar oo uu siday markab ka soo shiraacday dalka Libya oo marayey badda Mediterranean-ka meel ku beegan dalka Lebanon. Ciidamada Lebonan ee gacanta ku soo dhigay Markabka siday hubka saddexda Kontiinar ah ayaa sheegay in Markabkaasi uu ku gooshayey calanka Sierra Leone, oo ay la socdeen 11 Naakhuude.
Dawladda Ruushka ayaa iyadu Libya ku eedaysay bishii March inay hub iyo tobabaro siinayso Mucaaridka Syria, taas oo Raysal wasaaraha Libya uu sheegay in aanu ka war qabin xero tababar oo dalkiisa ka furan, balse dawladda Libya ay si adag u taageersan tahay Suuriyiinta doonaya inay kor u qaadaan codkooda ay ku dalbanayaan xornimada.
Dawadda Syira ayaa iyaduna marar badan ku celcelisay in hub aad u tiro badani uu kooxaha mucaaridka uga imanayaan wadamo shisheeyo oo ay ku jirto Lebanon si loo hubeeyo kooxaha mucaaridka ee la dagaalamaya Rajiimka Assad.
Mulkiilaha Markabka oo la yidhaa Mohammad Khafaji ayaa sheegay in markabkiisu uu siday Saliida Baabuurta, oo aanu ka war qabin wax hub ah waxaanu yidhi “Sharcigu aniga iima ogola in aan furo oo aan baadho waxa ku jira containers-ka".
Dalka Syria ayay 13 bilood ee u dambeeyey ay ka socdeen kacdoono dhiig badani ku daatay oo lagaga soo horjeedo hogaanka dalkaasi, isla markaana waxa aan si buuxda u meel marin xabad joojin ay qaramada midoobay ku baaqday dhawaan.
Kulan Lagaga Wada Arinsanayo Adkaynta Nabadgelyada Oo Sheekh Ka Furmay
Sheekh, April 29, 2012 (heegan) - Kulan socon doona muddo saddex cisho ah oo lagu falan-qaynayo adkaynta nabad-galyadda iyo xalinta khilaafaadka gobolka Saaxil ayaa shalay ka furmay degmadda Sheekh oo ka tirsan isla gobolka Saaxil.
Shirkan oo loo qabtay madax-dhaqameedka gobolka ayaa waxa soo agaasimay Wasaradda Arimaha Guddaha, gaar ahaana Waaxda Aminaga Guddaha oo uu horkacayo Agaasimaha waaxdaas Mudane Maxamed Cali Caalin.
Sidoo kale waxa iyana ka soo qayb-galay madaxda gobolka iyo degmada oo uu hogaaminayo guddoomiyaha gobolka Saaxil Mudane Maxamed Cali Saleeban (Ramaax), ku-xigeenkiisa, Taliyaha qaybta Bileyska ee gobolka, Isu-duwaha diinta iyo awqaafta, guddoomiyaha iyo ku xigeenka degmadda Sheekh.
Kulankan oo uu furay guddomiyaha gobolka Saaxil ayaa waxa uu ka hadlay muhiimada iyo nuxurka shirkan oo ujeedadiisu ay tahay Adkaynta nabad-galayadda iyo wada noolaansha bulshada gobolka, gaar ahaana degmadda Sheekh oo gogosha fidisay. Guddomiyaha oo siiwata hadalkiisa ayaa sheegay in loo baahan yahay in Salaadiinta, Cuqaasha iyo wax-garadka gobolku ay ka wada shaqeeyaan adkaynta nabad-galyadda iyo xasiloonida.
Isagoo dadweynaha reer Sheekh ugu hambalyeey inay ku suntan yihiin, Nabada jacayl iyo degenaansho. “Gobolka Saaxil waa gobolka dilka iyo falka nabadgalyo daradu ugu yar yihiin marka loo barbar dhigo goboladda kale ee dalka” ayuu yidhi Mudane Ramaax oo xiganaya warbixin ay soosaartay Wasaarada Arimaha Gudahu.
Isagoo kubalan qaaday in gobolka Saaxil lagu majiiran doono hufnaanta arimaha bulshadda sida Cafimaadka iyo waxbarashadda.
Waxaa geesta kale isna hadalo dhaadheer ka soo jeediyey Taliyaha qaybta booliska ee gobolka, Isu-duwaha diinta iyo awqaafta, guddoomiyaha degmadda Sheekh oo dhamaantood iskaga daba maray muhiimada nabad galayadu leedahay.
Jubba Airways Oo Ku Sigatay Inay Ku Burburto Madaarka Gaalkacyo Iyo Maamulka Shirkadaas Oo Deedefeeyey Shilkaas
Hargeysa, April 28, 2012 (heegan) - Diyaarad nooca rakaabka qaada ah oo ay leedahay shirkada diyaaradaha ee Jubba Airways ayaa waxyeelo ku soo gaadhay garoonka diyaaradaha Cabdilaahi Yuusuf ee Magaaladda Gaalkacayo mar ay shalay cago-dhiganaysay.
Diyaarada Jubba Air Ways ayaa la sheegay inuu ka go’ay mid ka mid ah labada baal ee ay ku duusho, ka dib markii taayirada diyaarada mid ka mid ahi qarxay isla-markaana ay labada baal mid ka mid ah dhulka dhigtay si khasaare kale aanu u iman.
Diyaaradan ay leedahay shirkada Jubba Airways ayaa intii aanay shilkaas ku galin Garoonka Gaalkacyo, waxa la sheegay inay ka duushay Garoonka Magaalada Hargeysa ee Igal International Airport, taas oo markii ay dagtay, isla markaana ay dib uga kacaysay garoonka Gaalkacyo sida ayheegan u sheegeen dad goob joog ahaa ayaa iyadda oo diyaaradaasi sidda dad rakaab ah ka duushay Madaarkaas, balse cilad ku timid awgeed ay garoonka Gaalkacyo dib ugu soo noqotay markii ay cagaha dhigtayna taayir ka qarxay, taasi oo keentay in baal ka mid ah labada baal dhulka gaadho dabadeedna uu go’o markii uu muddo dhulka jiitamayey.
Sidoo kale Diyaaradan oo halis galisay dadkii rakaabka ahaa ee ay siday ayaan wax khasaare ah oo intaasi dhaafsiisani ku iman, iyada oo dadkii rakaabka ahaa ay ka soo daggeen iyagga oo bad-qabba. Waxaanay wararku intaas ku dareen in diyaaradaasi ku sigatay inay ka baxdo Run-wayga (Wadada diyaaraduhu ka duulaan) markii taayirku u qarxay, taasi oo keeni karaysay in khasaaruhu intaasi ka bato, balse ay dhabaha ku sii jirtay markii baalku dhulka qabsaday.
Dhinaca kale mar aanu xalay isku daynay inaanu xogdheeraad ah ka helno Shilka ku dhacay Diyaarada Jubba Air Ways ee ku qabsaday Madaarka Magaalada Gaalkacyo ayaanu wax ka waydiinay Masuuliyiinta xafiiska Jubba ee Magaaladda Hargeysa, kuwaas oo waxba kama jiraan ku tilmaamay dhacdadaas, isla markaana ka gaabsaday inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan.
Ururka VOSOMWO Oo Kulan Lagu Gorfaynayo Siddii Kor Looqu Qaadi Lahaa Doorka Siyaasada Ee Beelaha La Hayb Sooco Ku Qabtay Hargeysa
Hargeysa, April 29, 2012 (heegan) – Ururka VOSOMWO ayaa soo qaban qaabiyey kulan aqoon is waydaarsi ah oo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa doorka siyaasada ee beelaha la hayb sooco, kaas oo shalay ka qabsoomay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa kasoo qayb galay furitaankiisii xildhibaano ay ka mid yihiin Yuusuf Kirix Cawad, xildhibaan C/raxmaan Cismaan Caalin, Suldaan Naasir Axmed Ismaaciil, iyo masuuliyiinta ururka Vosomwo.
Ugu horeyn waxa madasha ka hadashay Gudoomiyaha ururka VOSOMWO Nimco Iid Salaan, oo sharaxaad buuxda ka bixisay ujeedada aqoon iswaydaarsiga, taas oo sheegatay in ujeedada guud ee loo qabtay aqoon iswaydaarsigu ay tahay siddii kor loogu qaadi lahaa doorka beelaha la hayb soocaa ay ku yeelan lahaayeen siyaasada dalka Somaliland. Waxa kale oo ay Gudoomiye Nicmo, tilmaantay in kulankani hordhac u yahay kulamo noociisa ah oo dhawaan laga qaban doono gobolada dalka, isla markaana kor loo qaadi lahaa Furshadaha iyo Waxbarashada ay beelaha la hayb soocaa ay helaan.
Gudoomiyhu waxa ay xukuumada Axmed Siilaanyo uga mahad celisay kootadii laga siiyay beelaha lahayb sooco kuraasta labada gole, iyada oo sidoo kale ka dhawaajisay in beeshu saluugtay xadiga loo yaboohay, iyada oo arintaa ka hadlaysa waxa ay tidhi Nicmo Iid Salaan “Beeshu wax ay cabasho wayn ka muujisay saamiga ay ka heshay golayaasha Guurtida iyo wakiilada ee kootada loogu cayimay”. Waxa kale oo ay sheegtay Nimco in saamigaasi aanu ahayn mid u cuntama beelaha la hayb sooco. Ugu danbayntii waxa ay Gudoomihu ka codsatay Xildhibaanadii madasha joogay in ay qadiyadooda gaadhsiyaan goleyaasaha qaranka Somaliland.
Waxa kale oo madasha ka hadlay Yuusuf Kirix Cawad, oo ah xubin u dhuun daloosha arimaha dadka la hayb sooco, waxana uu ugu horeyn u mahad celiyay ururka VOSOMWO, xildhbaanku waxa kale oo uu xusay in beelaha lahayb sooco aanay ku filayn kuraasta laga siiyay labada gole qaran, isaga oo dhinaca kale sheegay in beeshu samaysay horumar balaadhan oo xaga wax barashadu ku jirto. Xildhibaan C/raxmaan Cismaan Caalin, ayaa kamid ahaa masuuliyiintii kale ee goobta ka hadashay waxana hadaladiisii kamid ahaa “ maanta waxa aynu leenahay wax baa yar laakiin waxa jirtay maalin aynu lahayn waxba ma jiraan ee aynu wax ambo qaadno, wixii lagu dadaalaana waxa uu noqdaa midho dhal”. Xilidhbaanku waxa kale oo uu carabka ku dhuftay saluuga ka taagan saamiga beelaha laga siiyay goleyaasha Guurtida iyo Wakiilada. Isaga oo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi xildhibaanku “waa laga fiican yahay in la yidhaa lixda gobol min xubin haka doortaan beeshu”. Xildhibaan Caalin waxa uu ugu danbayn beelaha ku dhiirigaliyay in ay dagaal u galaan sidii loo kordhin lahaa xunbaha saamiga loo siiyay. Ugu danbaytiina waxa madasha hadal ka jeediyay Luul Xasan Mataan iyo Suldaan Naasir Axmed Ismaaciil oo kamid ah saaliinda beesha oo sheegay in beeshu xaq u leedahay in ay ka dhex muuqato siyaasada Somaliland.
Mucaaridnimadu Yeyna Kaa Noqon, Mindi Goysa Muruqyada iyo Meel Halbawle ah
Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Mushkiladaha Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Horumarineed ee inta badan ragaadiya qaaradan aynu ka midka nahay ee “Africa” waxaa badanaa sabab u ah laba arimood: ta kowaad , waa awooda Xukun Kalitalis ah oo ku qabsada Afgambi Military iyo Qori-caaradii, taas oo u horseeda Dalka ay ka dhacdo Mustaqbal Madow. Waxaana tusaale inoogu filan 21 sanno ee Rajiimkii Siyaad Bare iyo mahadhooyinkii Shacabka Somaliland kasoomarey. Ta labaad waxay tahay Quruumo Shicib iyo Madaxba go’aansadey inay qaataan Nidaam Dimoqoradiya oo ku dhisan habka Axsaabta badan iyo Doorasho Xor iyo Xalaal ah si looga bad-baado inuu yimaad xukun kaligiitalis ahi islamarkaana, horumar loogu talaabsado. Dimoqoraadiya marka la fasilayo waxaa lagu sheegaa ; NIDAAM AY SHACABKU ISKA LEEYIHIIN AWOODA U SAREYSA”. Haddii nidaamkani si wanaagsan u dhaqan galo waxaa inta badan dhacda in ay timaad horumar dhinac walba leh , waase marka laga badbaado caqabadaha iyo mucaaridnimada nasakhan ee kasoo fusha shakhsiyaad marin-habowsan taas oo sabab u noqota in Muddo-xileedka Madaxweynaha la doortaa ku dhamaado isaga oo aan ka gun-gaadhin qorshayaashiisii u dejisnaa iyo balamihii uu ummadiisa u qaaday.
Haddii aan usoo noqdo Ujeedada aan fariintaydan ka leeyahay, marxaladan hadda Dalkeenan aynu wada jecelnahay marayo oo ay tahay in si wadajir ah danaheena qaran darifyada u wada qabano. waxaa hubaal ah oo aan la dafiri Karin mucjisooyinka qarankani soo marey oo ay ka mid tahay sida aynu u dhaqan galiney qabsoomida Doorashooyin Madaxtooyo , Baarlamaan iyo Dawlado hooseba, iyada oo Doorashadii Madaxtooyo ee u dambaysay dhacday June 2010 laguna doortay Madaxweynaha hadda Mudane Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo) Xaqiiqiyan, hadda waxaynu maraynaa meel lagu faano, loona baahan yahay in la isgarab taago Hogaanka dalka aynu u dooranay, waayo, mudadaa uu xilka hayey Hogaamiyaha Qaranku Axmed –Siilaanyo, wuxuu keenay oo uu layimid isbedelo waxqabad oo dhinac walba leh.
Dhinaca kale , Madaxda Axsaabta Mucaaridka inay xukuumadda ku dhaliilaan wixii hawlo distooriya ee ay ka gaabisay xaqbay u leeyihiin iyaga oo u maraya dariiqa sharciga ah kuna salaynaya danaha guud ee bulshada iyo qaranka, waxayna ka turjumaysaa nidaamka aynu qaadanay.
Hase yeeshee, Shakhsiyaadka, hore ugu fashilmay Siyaasada ee meel ay ka socdaan iyo meel ay ku socdaan lagaranayn, fariimaha afmiishaarnimo ee ay ummadda kula dhexjiraan ee maalin walba warbaahinta ka dheehanayso waa masiibo Qaran oo la inooga baahan yahay inaynu ka taxadirno si ayna wakhtiga uga lumin masuuliyiinta qaran . Shakhsiyaadkaasi waa Waxmatarayaal, Dib-usocdayaal , Wanaag-ma-arkayaal , Si xun wax-u-sheegayaal aan rajo wadaninimo ku hadhin.
Gabagabadii, anigu ma gabyo, gabayaana ma ihi, balse waxaa igu kalifiay inaan tuducyadan kooban halkan idiinku soo gudbiyo, ficilada foosha xun ee ay ku guda jiraan kooxahaa aan sare kusoo xusay.
·Mucaaridadu yeyna kaa noqon Mindi Goysa Muruqyada iyo Meel Halbowle ah.
· Maskaxdaadu yey noqon sida Mawjad xoog badan oo aan Miciin iyo dhawrin midhaha wadareed.
·Maalintii timaadaba, hamalayn waxaan jirin
· Maatida iyo Dadweynaha ka illaali Mudacyada
· Maankaagu yuu noqon Meel mallo-awaal badan
· Marinkaagu yuu noqon mid xumaan ka Marag-kaca
· Midna waan ku farayaa, Muwaadinka xaqiisiyo, qaado tallo Masulnimo.
· Micnahaygu wuxu yahay, Ninkii aan Milgada garan, een Madaxda muuneyn, isna kama macaashee.
·Sideedaba Macnaha Gabey, mooshin weeye xoog badan, oo aan maqaal iyo lagu koobin Madaxyada
· Waxaan Maansadaydiyo ku soo meeray hadalkii, waa Macasalaamee, fikir Mutadawacnimo iyo Bulsho wada Mataano ah Midhaheenu waa kaa.
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Hargeysa, Somaliland
Sidee Loo Joogteyn Karaa Jacaylka Lamaanaha?
Inta ayna is guursan labada qof ee (Labka iyo dhediga) xilliga haasawahooda waxa ay sheegaan in ay is jecel yihiin oo ay is doonayaan, una ka dhexeeyo jacayl wanaagsan oo waaray.
In badan ayaa la arkay labo is jecel oo isla haajiray (Masaafeystay) iyaga oo ka baqaya in jacaylkooda la carqaladeeyo, qaarbaa naftooda haliga oo is dilay marka ay is waayaan ama caqabado kale ay soo wajahaan, halka qaar kalena waalidkood ay u caddeeyaan in aan jacaylkooda la carqaladayn haddii kalena ay ifka uga tagayaan arrintaa awgeed.
Maaha layaab haddii labo qof oo is jeceli ay is ammaanaan oo midba ka kale uu ku tilmaamo sharaf, qiimo, qaayo iyo qurux aan mataalkeeda iyo qiyaasteeda aan si fudud loo helayn, maxaa yeelay dareenka kalgacal ee dhex yaala qalbiyadooda is jecel ayaa isu tusinaya wanaag, hannaansami iyo bilic toosan oo ka muuqata qofka uu jecel yahay, taasina waa waxa keenay ammaanta badan iyo hilowga labadaa is jecel ay isu qabaan.
Intaas oo ammaan iyo jacayl isu hibeyn ah waxa ay dhacaan guurka kahor ama xilliga xaaladda haasaawaha lagu jiro, haddana waxa dhacda in guurka kadib carqalado iyo caqabado jacaylkii la soo gudboonaado. Haddaba waxa isweydiin mudan sidee loo joogteyn karaa ama loo daa’imi karaa jacaylkii hore la isugu qabay.
Ogow Ina raggow ammaanta gabadha aad amaanaysid xilliga aanad guursan in ay tahay mid aad ugu dhawaanaysid qalbigeeda, laakiin ammaanteeda guurka kadib ayaa ka qiimo badan amaantii hore taas oo leh mudnaanta koowaad ee jiritaanka jacaylkii hore, maxaa yeelay waa saldhig lama huraan ah si loo ilaaliyo qalbi samida iyo is afgarashada qoyska.
Nolosha wanaagsan ee qoyska waa mid u baahan daacadnimo, niyad wanaag iyo isla dhaqan xilkasnimo leh. Haddii aad rabto in aad nasiib u yeelato in uu jacaylkiinu waaro lamaanahaaga ha dhaliilin, hana cannaanan, hadduu qalad idinka dhex dhaco adiga iyo lamaanahaaga si deganaani ku jirto isu deeqsiiya in aad qaladka u wada saxdaan, waxa hubaal ah in aad arki doontaan adinka oo isu muusaanaya halkii aad ka xanaaqi lahaydeen. Ogow weji furnaanta, qosolka iyo farxadda badan ee lamaanayaashu wadaagaan in ay saldhig u tahay Jacaylka waara, haddana adiga oo qosli kara, isla markaana si farxad leh ula ciyaari kara Xaaskaaga ama saygaaga maxaa keenaya weji macbuusnaan sababi karta burburka qoskiina horseeda . lamaanuhu waa in uu markasta maanka ku hayaa in sida uu jecelyahay uu ka dhigi karo qoyskiisa.
Maxaa Ka Dhalan Kara Siyaasada Hadoodilan Ee Madaxweyne Siilaanyo Iyo Mugdiga Ku Jira In Wada Hadalo Lala Galo Somalia!
Qalinkii: C/risaaq Suudi Nuur
Shirkii ka dhacay magaalada London 23/2/2012 ee Soomaalida loo qabtay qodobadii ka soo baxay shirka waxaa ka mid ahaa qodob sheegaya in ay wada hadlaan Somaliland iyo dawlada ku meel gaadhka ah ee Somaliya, markaa kadib waxa uu Madaxweyne Siilanyo Magcaabay Gudi ka kooban shan wasiir oo ka qayb galaysa Wajiga Koobaad ee wada hadalka oo ka dhacay London.

Madaxweynaha TFG-du Sheekh Shariif waxa uu isaguna markaa ka dib magacaabay todoba wasiir oo uga qayb galaya wada hadalka shan ka mid ahi wasiiradaasi waxay ka soo jeedaan Dawlada ku meel gaadhka ah halka labada Wasiir ee kalana uu ka soo magacaabay maamul goboleedka Puntland, hadaba Siilaanyo iyo wasiirkiisa Arimaha dibedu Labadan wasiir ee Puntland ka soo jeeda Wax dhibaato ah umay arkaynin waxase sida fiinta uga qayliyay Aasaasaha Khaatumo State Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlay Idaacada BBC-da Saddex maalmood ka dib markii todobada wasiir la magacaabay, ujeedada hadalkiisuna muu ahayn in uu Somaliland uga digo khatarta ay xanbaaarsan yihiin labadan wasiir ee ka soo jeeda Maamul Gobaleeedka Puntland waxayse ujeedadiisu ahayd hadii ay puntland ay shirkaasi ka qayb gasho inay Khaatumo state-na xaq u leedahay inay shirkaasi ka qayb gasho waxa uu CALI KHALIIF Yidhi isaga oo duraya Sheekh Shariif iyo Raysal Wasaarhiiisa Shirkii London Waxaa lagu go’aamiyay inay wada hadlaan dawlada Ku meel gaadhka ah iyo Maamulka Somaliland waxana muuqata in uu Sheekh Shariif tixgaliyay hadalkii Faroole uu hore u jeediyay ee ahaa in dawlada ku meel gaadh ka ah iyo Somaliland aysan wax wada hadalada ah galin kari hadii ay ka maqan tahay Puntland ,waxa uu Sheekh Shariif magacaabay laba wasiir oo dhalasho ahaan ka soo jeeeday gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo aan waxba laga weydiinin balse xilal ka haya maamul goboleedka Puntland sidaasi darteed Khaaatumo state waxay leedahay xaqa ay Puntland kaga qayb gashay shirka mid la mid ah,waxana muuqata in wada hadalkii lloo qorsheeyay labada dhinac inuu isku bedelay sadex geesood hadii uu Sheekh Shariif ka noqon waayo labadaasi wasiirna Khaatumo state waxay xaq u leedahay inay dhinac afraad ka noqoto shirka London, Sheekh Shariifna arinta waanu kala hadalnay waxana uu u xilsaaray ayuu yidhi Cali Khaliif Raysal Wasaaraha ee la Xidhiidha Raysal Wasaarhiina markii aanu la hadalanaynaa waxa nooga soo baxay hadalo macnoohoodu yahay run ha sheegin been ha sheegin waxaad sheegtna ha waayin.
Hadaba markii wasiirka arimaha dibeda Somaliland Dr Maxamed C/lahi Cumar uu sheegay inaysan Somaliland ka Qayb galaynin shirkaasi hadii usan Sheeekh Shariif ka noqon labadaasi wasiir ee uu Puntland ka soo magacaabay waxay ahayd shan Maalmood kadib maalintii uu hadlay Cali Khaliif Halkaasi waxaad ka fahmi karaa in Siilanyo iyo Xukuumadiisu ay ku baraarugeen Hadalkii Cali Khaliif kadibna ay garo raaceen hadalkiisii waxayna dad badani isweydiinayaan hadii Fahamka Siyaasadeed ee Siilanyo Iyo Xukuumadiisu halkaasi taagan yahay oo ay ku baaraarugayaan marka uu Cali Khaliif Idaacad ka hadlo waa maxay Faa’iidada uu Siilanyo ka keeni karo hadii uu Wada hadalo Fool ka Fool ah la yeesho Dawlada Ku Meel Gaadh ak ah ee Somaliya hadaba isku soo wada Duuboo Maxaa Ka Dhalan Kara Siyaasada Hadoodilan Ee Madaxweyne Siilanyo iyo Mugdiga Ku Jira In Wada Hadalo Lala Galo Somaliya!.
Qalinkii C/risaaq Suudi Nuur
Tel: 4425243
Email:Suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland